Madaxii Qaraxyada iyo Shir Qoolada Al-shabaab oo la dilay

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ogolaaday weerar ay qaadeen ciidamo ajnabi ah oo la sheegay in kagu bartilmaamaysaday hogaamiye ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaan oo shalay ka dhacay agagaarka degaanka Tooratorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday hogaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab balse aan la shaacin magaciisa.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa war koban uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu kaga hadlay weerarkaasi uu amarkiisa bixiyay Mdaxweyne Farmaajo.

Wasiir Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday weerar ay qaadeen waxa loog yeeray saxiibada caalamiga ah oo sida muuqata ah ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee ka dhacayay Muqdisho.

Hogaamiyaan oo aan la shaacin magaciisa ayay dowlada Soomaaliya rumaysneeyd inuu ahaa sarkaalka khaarijinta iyo qaraxyada ugu qaabilsana Al-shabaab magaalada Muqdisho.

Weerarada sida gaarka ah ee ay ciidamada Mareykanka uga fuliyaan Soomaaliya waxa uu kazoo baxaa Taliska Mareykanka ee Africom kadibna waxa meel mariya Madaxweynaha Somaliya.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga isku cel celin 200 ilaa 300 oo askari kuwaas oo tababaro siiya ciidanka Soomaaliya mararka qaarna ay siwadajir uwada qaadan weerar qorsheesan oo Al-shabaab ka dhan ah.

Xarakada Al-shabab ayaan wali ka hadal warkaan kazoo yeeray Dowladda Soomaaliya ee lagu khaarijiyay hogaamiyahaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...