Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ku qabsoomay todobaadkii hore waxa uu ahaa in la joojiyo maalgalinta iyo lacagaha la siiyo Alshabaab.

Iyada oo go’aankaasi la fulinayo ayay wasaaradda amniga gudaha iyo taliyeyaasha booliiska iyo nabad suggida soo saareen wareegto lagu amrayo ganacsatada Soomaaliyeed in ay joojiyaan lacago la sheegey in ay sako ahaan u siiyaan ururka Alshabaab oo ka taliya deegaano ka mid ah Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta koomando boolisiyo ama taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow oo sheegey in ay ka warhayaan ganacsato bil kasta lacago u geeya ama u dira Alshabaab, iyo kuwa xitaa aada goobaha ay ka taliyaan si loogu garsooro.

Wasiirka oo hadlayay waxa uu yiri “waxaa dambi ah ama mamnuuc ah nooc kasta oo taageero ah oo lagu siinayo nimanka argagixisada ah, sida ganacsi, siyaasad, quudintooda, barbar istaaga, la xiriirka, la shaqaynta, niyad u dhisida, waxaa talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa cid kasta oo ururada argagisada u aqoonsata maamul jira, sida in ay u xukun tagaan, waa la soconaa dad badan Soomaali ah ayaa u xukun tago, kuna qanacsan xukunkooda”

Waxaa sidoo kale hadalo aad u kulul jeediyey taliyaha hay’adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Maxamed Cabdullaahi Cali (Sanbaloolshe) oo isagu xitaa heerka ciqaabta gaarsiiyey in qofka hantidiisa lagala wareegi doono.

“Laakiin haddii bishii qof kasta oo dukaan ama goob ganacsi leh ama shirkad leh inta loo yeero la yiraahdo xoolihiisa waa intaan, wixii la doonana laga qaadanaayo, hadana waxaas baabuur qarax ah iyo rasaas iyo wax la dilo iyo bastoolado iyo ciidamo lagu qoronaayo, dagaalkaasi ma istaagaayo, dagaalka waxa joojin kara waxaa koow ka ah dadka dhaqaalaha bixinaaya, fadlan wixii maanta ka dambeeya cid loogu dulqaadan doono in ay Shabaab dhaqaale siiyaan ma jirto” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu intaasi sii raaciyay, “cidii Tooro Tooroow iyo meelaha ay shabaabka degenyihiin aadaysa waa la qabanaa , ciddii ka imaanaysana waa la qabanaa, … ciddii lagu xaqiijiyana maxkamad ayaa la saaraa, hantidoodana waa lala wareegaa”

Ururka Alshabaab oo kasoo horjeeda dowladda waxa uu ka taliyaa deegaano badan oo ka tirsan dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo dadka ku nool haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, beeralay ama xoolo-dhaqato looga qaada lacago loogu magac-bixiyey zakawaad.

Sidoo kale waxa Alshabaab isla lacagahaasi oo kale la sheegaa inay ka qaadaan ganacsatada magaalooyinka waaweyn ee dalka ku sugan.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ma ahan arrin cadeymo rasmi ah loo hayo lacagaha ay ganacsatada siiyaan Alshabaab, balse taliyaha NISA waxa uu sheegayaa in ay hayaan liiska ganacsatada iyo cadadka lacagaha la gaarsiiyo Alshabaab, wixii hadda ka dambeeyana aanan loo dulqaadan doonin.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Adan waxa uu leeyahay, ganacsatada waxa ay galeen labo daran mid dooro, haddii ay dowladda amarkeeda jabiyaan waxa ay wajahayaan sharciga, haddii ay fuliyaana ciqaabta Alshabaab oo aad u daran ayay muteysanayaan.

Wargeys lagu magacaabo Indian Ocean Newsletter cadadkiisii 1455, oo sidoo kale lagu faafiyey webka Africanintellegence.com oo ka faalooda arrimaha sirdoonka ayaa todobaadkan soo qorey sheeko ku saabsan shir dhexmaray Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre iyo dublamaasiyiin reer galbeed ah, shirkaasi oo uu kheyre ka sheegey magacyada ganacsato waaweyn oo Soomaaliyeed oo lacago aad u badan siiya Alshabaab, arrintaasi ay caqabad weyn ku tahay dowladda.

Balse qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisoow ayuu ku beeniyey sheekada wargeyska oo ahayd mid warbaahinta maxaliga ah aad usoo xigatay.

“Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan. Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka”

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa qorey in ganacsatada ay Alshabaab sanadkii siiyaan lacag dhan $150 malyuun oo doolar, taasi oo ka badan lacagaha la sheego in ay ha helaan dhoofinta dhuxusha taasi oo gaaraysa $80 malyuun sanadkii.

Wali wax hadal ah kama aysan soo saarin amarkani ganacsatada Soomaaliyeed iyo sheekada wargeyska uu qorey intuba .

Dowladda waxay ku talineysaa in dadka ay isaga soo guuraan meelaha Alshabaab ay ka taliyaan, dagaalkana qeyb ka noqdaan.

Inkasta oo aanan la faahfaahinin talaabada laga qaadayo ganacsatada, hadana qodobka ah in hantidooda lala wareegayo ayaa malaha ah walwalka ugu weyn ee haatan soo wajahay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan shirkadaha waaweyn.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg Deg Deg:-Sarkaal ka howlgala garoonka Aadan oo saakay la dilay
- Sep 20, 2017
Dadka degaanka xaafada Suuqa Maanaboolyo ee degmada Boondhere ayaa sheegay in saakay lagu dilay ...
United Nations Secretary-General Antonio Guterres speaks during the 72nd session of the United Nations General Assembly at U.N. headquarters, Tuesday, Sept. 19, 2017.  (AP Photo/Mary Altaffer) Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay
- Sep 20, 2017
Qoraal lagu daababay bogga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana ...
Volunteers search a building that collapsed after an earthquake, in the Roma neighborhood of Mexico City, Tuesday, Sept. 19, 2017. A magnitude 7.1 earthquake has rocked central Mexico, killing at least 55 people as buildings collapsed in plumes of dust and thousands fled into the streets in panic. (AP Photo/Eduardo Verdugo) 134 Qof oo ku Dhimatay Mexico
- Sep 20, 2017
Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo ...
trump Trump oo Shirka Qm ka qudbeenaya
- Sep 19, 2017
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay ...
xarig Meydka nin is daldalay oo lagu arkay Galgaduud (DHAGEYSO)
- Sep 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degaanka Ceel dheere ee gobolkaasi lagu ...
_97842568_b33ba116-7b1e-44ea-82c9-7789605abb6a Snapchat oo Aljazeera ka xannibay Sacuudiga
- Sep 18, 2017
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Snapchat ayaa warbaahinta Aljazeera ka xayirtay in waxyaabaha ...
06cd1be0cd34d666c17b13a5b59b9f16_920_420 Kooxda Al-saadicun Bil Xaq oo lagu daray Liiska Argagexisada
- Sep 18, 2017
Xeer ilaalinta dalka Masar ayaa loo gudbiyay dalabka ku saabsan in kooxda Al-saadicuun Bil ...
police Nin kale oo loo Qabtay Weerarkii London
- Sep 18, 2017
Booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay xireen qof labaad oo looga shakisanyahay inuu ...
farmaajo Dowladda Somalia oo wali cadaadis kala kulmaysa isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaradka
- Sep 16, 2017
Macluumad qarsoodi ah oo ay heshay jariidada Al-badiil ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay ...
baarlamaanka_-740x416 Mooshin ka dhan ah R/W oo la horgeenayo Barlamaanka
- Sep 9, 2017
Ku dhawaad 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta horgeenya mooshin ...