Ku been abuurashada gen bashiir Goobe ma siyaasad baa mise waa lagu khaldamay?”Sawiro”

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Website-yada ku hadla afka soomaaliga iyo baraha bulshada ayaa lagu qoray warbixin looga hadlayo madaxdii ka dambeeysay in Cabdi kariin  qalbi dhagax oo ah sargaal Ururka ONLF ka tirsan loo gacan galiyo Dowladda Ethiopia, iyagoo xiganayey war kasoo baxay Ururkaasi.

 

Liiska Madaxda la sheegay in ay ka dambeeyeen Wareejinta Qalbi dhagax waxaa ka dhex muuqday  Madaxweynaha Soomaaliya, R/wasaare xasan Cali kheyre, Taliyaha Nabad sugida qaranka Sanbaloolshe iyo Masuuliyiin kale.

 

Qoraalkaan waxaan uga hadleynaa khalad ka dhacay website-yadii qoray liiska Madaxdii ka dambeeysay Xariga qalbi dhagax, waxaana khaladkaasi uu ahaa in liiska lagu soo daray La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha S/guud bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo  qoraalka gen bashiir goobe ay ku sheegeyn in uu yahay la-taliyaha Amniga qaranka  ee madaxweynaha uuna ku jiro madaxdii ka dambeysay in dowladda Ethiopia loo gacan galiyo madaxii Arrimaha gudaha iyo Amniga  Ururka ONLF Cabdi xakiin qalbi dhagax.

Sidaan ka warheyno la-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka amniga qaranka waxaa ah Gen Axmed shiikh Maxamed, oo ku magac dheer Faruur sida ku cad digreetadii lagu magacaabay la-taliyeyaasha  Madaxweynaha oo ay ku jiraan gen Axmed Faruur iyo Gen s/guud Bashiir goobe oo isaga loo magacaabay la-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga ee Madaxweynaha.

 

 

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah yaa ka dambeeya shirqoolka gen bashiir goobe loo dhigayo, maadaama lagu xusay Xil uusan heynin magaciisana loo adeegsaday, haddii arrintaasi ay aqoon xummo ku dhacday oo aysan aheyn ulajeedo cad waxaa leeyahay gen bashiir goobe xilka dowladda uu u hayo ayaa ah la-taliyaha arrimaha ciidanka xoogga ee madaxweynaha, been abuurna ay tahay wararkii lagu baahiyey warbaahinta ee ahaa in uu yahay la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, uuna ku jiro madaxdii ka shaqeysay in Cabdi xakiin qalbi dhagax loo gacan galiyo Xukuumadda addisababa.

 

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Warar waxaa jira sheegaya in been abuurashada lagu been abuurtay gen Bashiir Maxamed jaamac (goobe), la-taliyaha arrimaha ciidanka xoogga ee Madaxweynaha ay ka dambeeyaan masuuliyiin dowladda ka tirsan, iyagoo ula jeedkooda uu yahay in ay magac xumeeyaan generaalka, oo ah shaqsi wadani ah oo waxqabad leh, laguna xasuusto shaqadii wanaagsaneyd ee uu kasoo qabtay hay’adihii dowladda ee uu kasoo shaqeeyey sida Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Xabsiga dhexe ee Xamar oo ahaa xarun lagu ciqaabo  Maxaabiista, gen bashiirna  uu ka dhigay Xarun dhaqan celineed oo maxaabiista lagu tarbiyeeyo, ayna ka helaan adeegyadda kala duwan ee nolosha muhiimka u ah ee uu helo qofka xoriyadda heysta ee aan maxbuuska aheyn.

 

Sidoo kale s/guud bashiir Maxamed jaamac ayaa ah Taliyahii ugu horeeyey burburkii dowladdii kacaanka kadib, dib usoo nooleeya shaqadii Ciidanka Asluubta soomaaliyeed qaranka ay u hayeen, isagoo ka shaqeeyey in ciidanka Asluubta oo wax soosaarka dalka qeyb weyn ku lahaa uu helo warshado kala duwan oo soo saara agabyo badan sida qalab xafiiseedka oo dhameystiran, qoryaha macmalka ah ee Ciidamada lagu tababaro, sameynta dharka Ciidamada qalabka sida iyo soo saarka Albaa ada iyo daaqaha muraayadda ka sameysan ee loo yaqaano alaminiyaamka.

 

Waxaa kale oo waxqabadka lagu  xasuusto gen bashiir goobe, Taliyahii Ciidanka Asluubta ka mid ah in qolalka Xabsiga dhexe markii ugu horreeysay galiyey Talefashino, sariiro, qaboojiyaal iyo biyo nadiif ah oo waqti kasta la helayo, waxaana uu gudaha xabsiga uu ka sameeyey dugsiyo waxbarasho oo Maxaabiista ay wax kubartaan iyo warshad farsamadda gacanta lagu barto, iyadoo ay xusid mudan tahay in markii gen Bashiir Maxamed jaamac goobe Taliyahii Ciidanka Asluubta xilka laga qaaday qeylo dhaan balaaran ay kasoo yeertay maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, iyagoo dalbanaya in gen bashiir dib loogu soo celiyo Taliska.

 

Link-ga hoose guji dheh si aad u daawato cabashada Maxaabiista.

 

 

Gunaanad

 

Waxaan qoraalkeyga kusoo gabagabeynaa raali galin aan u dirayo gen Bashiir goobe, maadaama lagu been abuurtay, oo dhacdo uusan fara galin ku laheyn qoorta loo galinayo, si loo magac xumeeyo, meeshana ay uga baxdo xushmadda iyo weynaanta uu Bulshadda Soomaaliyeed uu ku dhex yeelayahay, waxaana gen bashiir goobe uu ii sheegay mar aan qadka taleefanka kula hadlay lagu been abuurtay, xilka uu hayana yahay La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha Soomaaliyaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg Deg Deg:-Sarkaal ka howlgala garoonka Aadan oo saakay la dilay
- Sep 20, 2017
Dadka degaanka xaafada Suuqa Maanaboolyo ee degmada Boondhere ayaa sheegay in saakay lagu dilay ...
United Nations Secretary-General Antonio Guterres speaks during the 72nd session of the United Nations General Assembly at U.N. headquarters, Tuesday, Sept. 19, 2017.  (AP Photo/Mary Altaffer) Lacagta Xubinimada QM ee Soomaaliya lagu Leeyahay
- Sep 20, 2017
Qoraal lagu daababay bogga Qaramada Midoobay, kaas oo ku taariikhaysan 07 September 2017, kana ...
Volunteers search a building that collapsed after an earthquake, in the Roma neighborhood of Mexico City, Tuesday, Sept. 19, 2017. A magnitude 7.1 earthquake has rocked central Mexico, killing at least 55 people as buildings collapsed in plumes of dust and thousands fled into the streets in panic. (AP Photo/Eduardo Verdugo) 134 Qof oo ku Dhimatay Mexico
- Sep 20, 2017
Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo ...
trump Trump oo Shirka Qm ka qudbeenaya
- Sep 19, 2017
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay ...
xarig Meydka nin is daldalay oo lagu arkay Galgaduud (DHAGEYSO)
- Sep 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degaanka Ceel dheere ee gobolkaasi lagu ...
_97842568_b33ba116-7b1e-44ea-82c9-7789605abb6a Snapchat oo Aljazeera ka xannibay Sacuudiga
- Sep 18, 2017
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Snapchat ayaa warbaahinta Aljazeera ka xayirtay in waxyaabaha ...
06cd1be0cd34d666c17b13a5b59b9f16_920_420 Kooxda Al-saadicun Bil Xaq oo lagu daray Liiska Argagexisada
- Sep 18, 2017
Xeer ilaalinta dalka Masar ayaa loo gudbiyay dalabka ku saabsan in kooxda Al-saadicuun Bil ...
police Nin kale oo loo Qabtay Weerarkii London
- Sep 18, 2017
Booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay xireen qof labaad oo looga shakisanyahay inuu ...
farmaajo Dowladda Somalia oo wali cadaadis kala kulmaysa isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaradka
- Sep 16, 2017
Macluumad qarsoodi ah oo ay heshay jariidada Al-badiil ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay ...
baarlamaanka_-740x416 Mooshin ka dhan ah R/W oo la horgeenayo Barlamaanka
- Sep 9, 2017
Ku dhawaad 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta horgeenya mooshin ...