Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ku qabsoomay todobaadkii hore waxa uu ahaa in la joojiyo maalgalinta iyo lacagaha la siiyo Alshabaab.

Iyada oo go’aankaasi la fulinayo ayay wasaaradda amniga gudaha iyo taliyeyaasha booliiska iyo nabad suggida soo saareen wareegto lagu amrayo ganacsatada Soomaaliyeed in ay joojiyaan lacago la sheegey in ay sako ahaan u siiyaan ururka Alshabaab oo ka taliya deegaano ka mid ah Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta koomando boolisiyo ama taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow oo sheegey in ay ka warhayaan ganacsato bil kasta lacago u geeya ama u dira Alshabaab, iyo kuwa xitaa aada goobaha ay ka taliyaan si loogu garsooro.

Wasiirka oo hadlayay waxa uu yiri “waxaa dambi ah ama mamnuuc ah nooc kasta oo taageero ah oo lagu siinayo nimanka argagixisada ah, sida ganacsi, siyaasad, quudintooda, barbar istaaga, la xiriirka, la shaqaynta, niyad u dhisida, waxaa talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa cid kasta oo ururada argagisada u aqoonsata maamul jira, sida in ay u xukun tagaan, waa la soconaa dad badan Soomaali ah ayaa u xukun tago, kuna qanacsan xukunkooda”

Waxaa sidoo kale hadalo aad u kulul jeediyey taliyaha hay’adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Maxamed Cabdullaahi Cali (Sanbaloolshe) oo isagu xitaa heerka ciqaabta gaarsiiyey in qofka hantidiisa lagala wareegi doono.

“Laakiin haddii bishii qof kasta oo dukaan ama goob ganacsi leh ama shirkad leh inta loo yeero la yiraahdo xoolihiisa waa intaan, wixii la doonana laga qaadanaayo, hadana waxaas baabuur qarax ah iyo rasaas iyo wax la dilo iyo bastoolado iyo ciidamo lagu qoronaayo, dagaalkaasi ma istaagaayo, dagaalka waxa joojin kara waxaa koow ka ah dadka dhaqaalaha bixinaaya, fadlan wixii maanta ka dambeeya cid loogu dulqaadan doono in ay Shabaab dhaqaale siiyaan ma jirto” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu intaasi sii raaciyay, “cidii Tooro Tooroow iyo meelaha ay shabaabka degenyihiin aadaysa waa la qabanaa , ciddii ka imaanaysana waa la qabanaa, … ciddii lagu xaqiijiyana maxkamad ayaa la saaraa, hantidoodana waa lala wareegaa”

Ururka Alshabaab oo kasoo horjeeda dowladda waxa uu ka taliyaa deegaano badan oo ka tirsan dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo dadka ku nool haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato, beeralay ama xoolo-dhaqato looga qaada lacago loogu magac-bixiyey zakawaad.

Sidoo kale waxa Alshabaab isla lacagahaasi oo kale la sheegaa inay ka qaadaan ganacsatada magaalooyinka waaweyn ee dalka ku sugan.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ma ahan arrin cadeymo rasmi ah loo hayo lacagaha ay ganacsatada siiyaan Alshabaab, balse taliyaha NISA waxa uu sheegayaa in ay hayaan liiska ganacsatada iyo cadadka lacagaha la gaarsiiyo Alshabaab, wixii hadda ka dambeeyana aanan loo dulqaadan doonin.

Wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Adan waxa uu leeyahay, ganacsatada waxa ay galeen labo daran mid dooro, haddii ay dowladda amarkeeda jabiyaan waxa ay wajahayaan sharciga, haddii ay fuliyaana ciqaabta Alshabaab oo aad u daran ayay muteysanayaan.

Wargeys lagu magacaabo Indian Ocean Newsletter cadadkiisii 1455, oo sidoo kale lagu faafiyey webka Africanintellegence.com oo ka faalooda arrimaha sirdoonka ayaa todobaadkan soo qorey sheeko ku saabsan shir dhexmaray Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre iyo dublamaasiyiin reer galbeed ah, shirkaasi oo uu kheyre ka sheegey magacyada ganacsato waaweyn oo Soomaaliyeed oo lacago aad u badan siiya Alshabaab, arrintaasi ay caqabad weyn ku tahay dowladda.

Balse qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisoow ayuu ku beeniyey sheekada wargeyska oo ahayd mid warbaahinta maxaliga ah aad usoo xigatay.

“Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan. Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka”

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa qorey in ganacsatada ay Alshabaab sanadkii siiyaan lacag dhan $150 malyuun oo doolar, taasi oo ka badan lacagaha la sheego in ay ha helaan dhoofinta dhuxusha taasi oo gaaraysa $80 malyuun sanadkii.

Wali wax hadal ah kama aysan soo saarin amarkani ganacsatada Soomaaliyeed iyo sheekada wargeyska uu qorey intuba .

Dowladda waxay ku talineysaa in dadka ay isaga soo guuraan meelaha Alshabaab ay ka taliyaan, dagaalkana qeyb ka noqdaan.

Inkasta oo aanan la faahfaahinin talaabada laga qaadayo ganacsatada, hadana qodobka ah in hantidooda lala wareegayo ayaa malaha ah walwalka ugu weyn ee haatan soo wajahay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan shirkadaha waaweyn.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...