DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com. Maqaalkan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan.
Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto. Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.

DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

degg Wasiirkii hore arimaha Dibada Somalia oo Geeriyooday
- Aug 16, 2017
Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan ...
deg Dowladda Somalia oo xaqiijisay wada hadal ay kula jirto Mukhtaar Robow
- Aug 15, 2017
Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ...
deg Deg Deg:Madaxweynaha Hirshabeelle oo la eryay 11 Bilood kadib
- Aug 14, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la eryay 11 Bilood kadib 76 Xildhibaan ayaa Fadhisay, 68 ayaa Mooshinkii ...
burkina 17 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Burkina Faso
- Aug 14, 2017
Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan ...
mo farah Mo Farah oo ku guuldarreystay orodka shanta kun ee mitir
- Aug 13, 2017
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ...
buha Waa sidee xaalada caafimaad ee madaxwaynaha Nigeria?
- Aug 13, 2017
Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo sanadkan intiisa badan ku sugnaa London oo lagu ...
deg Deg Deg:-Mukhtaar Roobow oo gaaray Xudur & Al-shabaabkii…
- Aug 13, 2017
Mukhtaar Roobow Cali loona yaqaan Abuu Mansuur, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray magaalada ...
ciidan Ciidanka xooga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool
- Aug 12, 2017
Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda ...
kenya Waa kuma Uhuru Kenyatta?
- Aug 12, 2017
Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Kenya, sida uu shaaciyay ...
kenyatta Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Kenya
- Aug 12, 2017
Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar ...