Yacqub Khayre oo la Tababartay Al-Shabaab

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Yacquub Khayre oo ka dambeeyey weerarkii magaalada Melbourne ka dhacay maalintii shalay, ayaa idaacadda VOA ogaatay inuu hadda ka hor la tababartay ururka Al-Shabaab.

Mid ka mid ah ehelleda ninkaasi oo ay la hadashay idaacadda VOA ayaa sheegay in Yacquub Khayre uu sannadkii 2006 yimid Soomaaliya kadib markii ay Koonfurta iyo Badhtamaaha waddanka qabsadeen ururkii maxaakiimta oo ay Al-Shababna ku dhex jireen.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya inuu ninkaasi la tababaraty xubno ka tiran urruka Al-Shabab xilligaasi.

Markii ay ciidmada Itoobiya soo galeen islamarkaana ay talada ka tuureen maxaakiimtii, Khayre waxaa la sheegay inuu u safray Kenya kadibna ay qabteen ciidamada amniga kuwaasi oo u gacan geliyey Interpol iyo FBI-da kuwaasi oo iyaguna kusii wareejiyey mas’uuluyiinta Australia.

Ninkaasi waxaa la sheegay inuu waddankaasi Australia tagay isagoo carruur ah sannakdii 1994-kii. Sanadkii 2009 waxaa lala xiray afar qof oo kale waxaana lagu eedeeyey inay doonayeen inay weeraraan saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Australia oo ku yaalla Sydney. Dambi argagixiso ah oo lagu soo eedeeyey waa lagu waayey xilligaasi.

Waxaa la sheegay in markaasi kadib la xiray markii uu gaystay falal xatooyo hubaysan ah, laguna xukumay shan sano. Waxaa la sheegay inay is yaqaaneen nin Soomaali ah oo ku biiray ururka Daacish oo lagu magacaabo Sharmarke Jaamac inkastoo aysan caddayn inay si toos ah u wada xiriiri jireen.

Ninkan ayaa shalay toogtay nin ku sugnaa goob Al-beerko ah, waxaana uu la hayste ahaan u qabsaday gabadh. Rasaastii ay is weydaarsadeen ciidanka waxaa ku dhaawacmay saddex ka tirsan booliiska.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...