Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Oo La Magacaabay, Akhriso Taariikhdiisa.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Kulan wada tashi ah oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo axsaabta dalka ayaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira diiwaangelinta axsaabta iyo qorshaha istaraatiijiyadda 2017-2021-ka.

Inta uu shirka socday ayey guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ibrahim Yarey u magacawday Maxamed Cumar Maxamud in uu noqdo madaxa xafiiska diiwaangelinta xisbiyada dalka.

Maxamed Cumar Maxamud oo magacaabista kadib goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono axsaabta dalka isla markaana uu ka soo bixi doono shaqada loo igmaday.

Dhinaca kale, Guddiga madaxabanaan ee doorashada waxaa ay shirka ka sheegeen himilooyin guud ee qorshaha istaraatiijiyadooda oo ay ka mid tahay

In la helo awood sharciyeed oo guddiga ah, In la dhiso awood ku filan guddiga si uu u fuliyo barnaamijkiisa, In codbixiyeyaasha xog-ogaal u noqdaan xuquuqda iyo waajibaadka, In la diiwaangeliyo dhammaan codbixiyeyaasha xaqa u leh, In la nimaadmiyo xibiyada dalka, murashaxiinta iyo warbaahinta, In ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah iyo In la sameeyo qiimeyn.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Hadaba, Waa Kuma Maxamed Cumar Maxamed

Maxamed Cumar Maxamud waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Hiiraan laakin waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar sanadkii 1959-kii.

Waxbarashada illaa dugsi sare waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalinjabiyay machadka cabiraadka iyo xisaabaadka halka uu Jaamacadda uga baxay dalka Talyaaniga isaga oo cilmiga dhaqaalaha ka bartay Jaamacadda Modena.

Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee Maxamed Cumar uu qabtay waxaa ka mid ahaa madaxa xafiiska gaaska 4aad ee magaalada Gaalkacyo iyo madaxa xafiiska maamulka lacagta ee Damaanyo, waa xilligii dowladdii dhexe.

Sanadkii 2000 Waxaa uu xildhibaan ka noqday dowladdii TNG-da, 2011-kii xukuumaddii Cabdiweli Gaas waxaa uu noqday wasiiru dowle halka baarlamaankii 9aad uu ahaa hab-dhowraha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa maanta loo doortay madaxa xafiiska diiwaan-gelinta axsaabta dalka.

Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...