Britten oo ciidamo dheerad ah u soo direysa Soomaaliya

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxaa magaalada London maanta oo Khamiis ah isugu imaan doona madax fara badan kuwaasi oo isla soo qaadi doona xaaladda Soomaaliya oo ah waddan siddedii sano ee la soo dhaafay safka hore ka galay liiska waddamada fashilmay.

Kullanka London waxa uu ka dhici doonaa Lancaster House. Waxa si wada jir u shir guddoomin doona Britain, Soomaliya iyo Qaramada Midoobay.

Waa arin naadir ah in Ra’isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.

Balse maanta Theresa May waxay marti gelinaysaa shirka caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo ay ku rajo weyntahay in Britain ay hormuud ka noqon doonto arimaha dunida ka bixidii Ingiriiska ee Midowga Yurub ka dib.

Dowladda UK ayaa waxay durbadiiba balanqaaday in 70 ka mid ah cidamadeeda u diri doonto Soomaalia iyo 21 Milyan oo Gini oo deeq ah si sare loogu qaado ammniga Soomaaliya.

Hase ahaate Mrs May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamka ayaa aamminsan in dadaal dheraad ah loo baahanyahay si taageerada dowladda Soomaaliya loo dardar geliyo.

Waxaa la filaya inay ku heshiiyaan qorshe lagu tabobari doono ciidamo dheraad oo Soomaali ah oo bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Shirkan caalamiga ee Soomaliya ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in lagu heshiiyo in gargaar caalaami ah oo dheraad ah lagu siiyo Soomaaliya si wax looga qabto abaarta daba dheeraatay. Waxaase haata laga cabsi qabaa hadii deg deg wax looga qaban waayo in Soomaaliya ay dib ugu noqon karto colaadihi harereeyay dalkaa sanadihi lasoo dhafay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...