Madaxweynaha oo sheegay in la dilay Hogaamiyaha Daacish

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee Afghanistan la dilay.

Abdel Hasib ayaa toban maalmood ka hor lagu dilay weerar ay bariga dalkaasi ka fuliyeen ciidamada Afghanistan iyo kuwa Maraykanka.

Laba askari oo Maraykan ah ayaa sidoo kale ku dhintay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Mr Hasib ayaa la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay weerarkii bishii March lagu qaaday cisbitaalka ugu weyn milateriga Afghanistan ee ku yaalla Kabul, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.

Ninkii jagada uga horeeyay ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay sanadkii lasoo dhaafay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Maraykanka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pengaton-ka ayaa sheegtay in ay damacsan tahay sidii dhammaadka sanadkan ay Afghanistan uga baabi’in lahayd ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Bishii lasoo dhaafay ayaa milateriga Maraykanku waxa uu gobolka Nangarhar ee uu ku xooggan yahay ururkaasi, uu ku riday bamka loo bixiyay “hooyada bambooyinka oo dhan” kaasoo uu ku bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahannada ururkaasi.

Ururka dowladda Islaamiga ayaa sanadkii 2015 shaaciyay in uu howlgal ka billaabay dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo uu ugu yeeray magaca Khuraasaan, tan iyo markaana waxa uu geystay weerarro khasaaro ba’an reebay.

Bishii July 2016, ayaa weerar ismiidaamin ah oo uu ururkaasi ku qaaday dibed bax ka dhacayay Kabul waxaa ku dhintay ku dhawaad 80 ruux.

Bishii November-na weerar uu la beegsaday masaajid ku yaalla isla caasimadaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof.

Ururkaasi ayaa bishii February sheegtay mas’uuliyadda qarax ka dhacay maxkamadda ugu saraysa Kabul, kaasoo dilay 22 qof, waxaana bilihii dambe uu sare u qaaday weerarrada uu ka geysto labadaasi dal.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...