Wiilkaygu wuxuu dhintay 1994tii laakiin hadduu istaagay garaaca wadnihiisu

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Nicholas Green ayaa toogasho lagu dilay habeen ay taariikhdu ahayd 29 Sebtembar 1994tii iyadoo ay qoyskiisu dalxiis u joogaan Koonfurta Talyaaniga.

Geeridiisa ayaa masiibo ku ahayd waalidkii Reg iyo Maggie, laakiin go’aankii ay ku gaareen in ay xubnaha jirkiisa ku deeqaan ayaa sababtay in ay saddex jibaar sare u kacdo xubnaha jirka ee lagu deeqo mudo toban sano ah gudahood – natiijadaas ayaana loo bixiyay saamayntii Nicholas.

“Markii koobaad ee aan khatar dareemo waxay ahayd markii uu gadaashanada ku soo dhawaaday gaari aan nal u daarnayn ayna xaaladdu sidaa ahayd cabbaar” waxaa sidaa yiri Reg Green oo xasuusanaya habeenkii ay wiilkiisa toogteen dad aysan garanaynin.

Isaga oo sheekada siiwada ayuu yiri “gaarigii nalkiisu dansanaa ayaa na hormaray markaas ayaana degay anoo u qaatay in uusan dhib jirin.”

Laakiin badalkii uu dhaafi lahaa gaarigii wuxuu billaabay in uu hareer socdo Green iyo xaaskiisa Maggie ayaana maqlay qaylo. Waxay u qaateen in ninka gaaariga ku jiraa uu doonayo in ay baabuurka istaajiyaan.

“Waxaan ku fikiray haddaan istaago in ay noo naxariis doonaan, laakiin taa badalkeeda gaariga ayaan aad u kaxeeyay. Iyaguna sidoo kale aad ayay u kaxeeyeen sidaa daraadeed labadii gaari ayaa sidaas isku garab ordayay habeenkii. Xabbad ayaa burburisay muraayaddii daaqadda dambe.

Maggie ayaa gadaal fiirisay waxayna ula muuqdeen in ay labadoodii ilmoodba iska jiifaan.

Xaqiiqaduse waxay ahayd in Nicholas madaxa xabbad lagaga dhuftay, balse walaashii Eleanor iyadoo nabad qabta ayay iska jiiftay. Daqiiqado ka dibna daaqadda darawalka ayaa xabbad lagu dhuftay gaarigii kalana gadaal ayuu u noqday. “Gaarigii ayaan istaajiyay waana ka soo dagay. Nalkii gudaha ayaa daarmay laakiin Nicholas ma dhaqaaqin. Anoo si dhaw u fiirinaya ayaan arkay carrabkiisa oo xoogaa soo baxsan iyo mantag gadhkiisa ku yaalla.

“Markaas ayaan markii koobaad ku baraarugnay in dhib xuni dhacay” ayuu yiri Green oo qoray buug uu u bixiyay Saamayntii Nicholas.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shirkadda Hollywood ee aflaanta ayaa sidoo kale dhacdadan filim ka jishay sanadkii 1998-dii waxaana loo bixiyay hadiyaddii Nicholas ama Nicholas’ Gift, waxaana jilay Jamie Lee Curtis iyo Alan Bates

Green wuxuu yiri “markii aan arkay wiilkayga oo xabbad lagu dhuftay ayaa ahayd wakhtigii iigu xumaa ee noloshayda soo mara, noloshaydii dunida oo dhanna way isbadashay”.

“Tuugo ayaa toogatay wiil todobo jir ah” ayaa markaas lagu warramay, qoyskii Maraykanka ahaa ee dalxiiska ku jirayna masiibo ayaa ku habsatay.

Nicholas maalmo ka dib ayuu ku geeriyooday isbitaalka ka dib markii uu koma ku jiray. Laakiin intii uusan dhimanin waalidkii waxay sameeyeen go’aan sameeyay todobo qoys oo Talyaaniga kala joogay.

Waxay go’aansadeen in ay ku deeqaan xubnaha jirka wiilkooda si loogu talaallo dad kale oo u baahnaa.

“Markaas iska aragti oo kale ayay ahayd. Wax fikir ah kamaanaan haysanin nooca dad ee ay ahaayeen. Waa sida adiga oo hay’ad gargaar lacag siiya laakiin aan fikir ka haysanin sida ay waxtar u leedahay arrintaas. Afar bilood ka dib ayaa nalagu martiqaaday in aan dhammaantood kula kulano Sicily, halkaas oo ay ka soo jeedeen afar ka mid ah dadkii xubnaha jirka loogu deeqay.

  • Andrea Mongiardo: Heart, wuxuuna dhintay sanadkan 2017
  • Francesco Mondello: il
  • Tino Motta: Kali
  • Anna Maria Di Ceglie: Kali
  • Maria Pia Pedala: Beer
  • Domenica Galleta: il
  • Silvia Ciampi: beeryar, waxaa la qiyaasayaa in uu sanado ka hor dhintay

Waa naadir in dambiileyaasha Talyaanigu ay dilaan carruur, ayuu yiri Green. ”Sababtoo ah booliiska waxaa ka go’an in ay soo qabtaan qofkii dambigaas gala”, ayuu raaciyay Green.

Taasina waa sida dhacday oo baaritaan adag oo ay booliisku sameeyeen ayaa horseeday in la xiro oo la xukumo labo nin oo kala ah Francesco Mesiano iyo Michele Iannello.

Wali ma cadda in raggani ay ahaayeen tuugo wax dhacda ama ay ahaayeen dadka wax khaarajiya oo ku khaldamay gaari aan ahayn kii ay u socdeen.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...