Midowga Yurub oo ka digaya cuduro ka dillaaca Soomaaliya

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Waxaa sare u kacay tirada dadka uu soo ritay xannuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo. oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.

Waxay u muuqataa in xaaladda abaarta ay sii xumaaneyso iyadoo qeybo ka mid ah deegaanada Soomaaliya laga billaabay in loo gurmado dadka ay gaajadu hayso.

Qaramada Midoobay waxay horay uga digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii. Markasoo kumanaan qof ay dhinteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana horay u sheegtay in abaaraha ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhimashada boqolaal qof.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...