MW: Farmaajo & RW: Kheyre oo isku afgartay in aan waxba laga beddelin wasiirrada cusub

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kula kulmay inta badan Golaha Wasiirada ee magacaaban.

Dhinacyadan, ayaa iska wareystay diidmada ay Xildhibaanada qaarkood ka keenayn wadada loo maray magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda iyo sida ugu haboon ee looga falcelin karo.

105 Xildhibaan, ayaa Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dib ugu noqdo magacaabista Golaha Wasiirada, iyagoo ku andacoonaya inaanan magacaabistooda lagu salayn nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Xildhibaanadan, ayaa waxay sheegeen in sad-bursi loo sameeyay beelaha qaar, halka kuwo kalana la qadiyay, sidaasi daraadeedna ay dalbanayan ka hor inta aan Baarlamaanka la horkeenin in dib loogu laabto Golaha Wasiirada.

Kulankan oo sida la sheegay looga yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ka cudurdaartay, balse waxaa bedelkiisa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/laahi.

Wada hadal iyo fallanqayn dheer ka dib, ayaa waxay dhinacyadan isu waafaqayn inaanan waxba laga bedelin Golaha Wasiirada, ha yeeshee Wasiir kasta laga doonayo in uu raadiyo kalsoonida Xildhibaanada diidan.

Tani, ayaa waxaa loo fasirtay in Farmaajo iyo Khayre ay garowsadeen inaanan la dhayalsan karin hujuumka ka soo fuulay Xildhibaanada, isla-markaana ay xasaradan siyaasadeed si buuxdo u soo geliyen Golaha Wasiirada ee magacaaban, xilli 43 ka mida Wasiirada ay yihiin Xildhibaano.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada ka biyo diidan Golaha Wasiirada cusub, ayaa sheegay in ay soo badanayan Xildhibaanada saluugsan Wasiirada magacaaban.

31-ka bishan, ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre loo qabtay in kama dambeys uu Golihiisa Wasiirada ku horkeeno Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xigasho MMC


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...