Deg Deg:-Dowladda Soomaaliya oo ka carootay Booqashadii Kenyatta ee Dhoobley ku tagay

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay booqashadii uu Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ku tagay Magaalada Dhoobley ee Jubada Hoose.

Madaxweynaha Kenya ayaan madaxda Soomaaliya kusoo wargelin Booqashadii Dhoobleey taasi oo xad gudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Kenyatta ayaa si gaar ah utagey Xerooyinka Ciidanka Kenya ka joogaan Dhoobleey iyadoo uu la kulmay Saraakiisha kusugnaa Halkaasi.

Mr Kenyatta ayaa baraarujiyey ciidanka Dawlada Kenya ee kusugan dhoobleey iyo Askarta Dawlada Soomaaliya Ee Ciidankaasi dhufeysyada kula jira.

Diplomaasi aan magaciisa la sheegin oo ku sugan Muqdisho waxa uu sheegay in booqashada Kenyatta ay tahay Khatar la qorsheeyay marka loo eego booqashada uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallahi Farmaajo ku tagi doono dalkaasi maalmaha soo socda.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay ka warheelen kaliya Kenyatta oo Dhoobleey booqanaya taasi oo caro weyn ku abuurtay iyagoo aanan lagu soo wargelin in Madaxweynaha Kenya Soomaaliya soo galayo.

Waxaanan la ogeyn arintaan sida ay wax uga badali karto xirirka labada dal gaar ahaan Dowladda cusub oo iyadu damaceeda ugu weyn ay tahay wax kabadalka siyaasada Gobolka.

Kenya iyo Ethiopia ayaa lagu eedeya inay faraglin toos ah kusoo sameeyaan Soomaaliya ayna waqtiga ay rabaan soo galaan kana baxaan Soomaaliya iyagoo ka faaideysan burburkii la dagay Soomaaliya


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

degg Wasiirkii hore arimaha Dibada Somalia oo Geeriyooday
- Aug 16, 2017
Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan ...
deg Dowladda Somalia oo xaqiijisay wada hadal ay kula jirto Mukhtaar Robow
- Aug 15, 2017
Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ...
deg Deg Deg:Madaxweynaha Hirshabeelle oo la eryay 11 Bilood kadib
- Aug 14, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la eryay 11 Bilood kadib 76 Xildhibaan ayaa Fadhisay, 68 ayaa Mooshinkii ...
burkina 17 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Burkina Faso
- Aug 14, 2017
Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan ...
mo farah Mo Farah oo ku guuldarreystay orodka shanta kun ee mitir
- Aug 13, 2017
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ...
buha Waa sidee xaalada caafimaad ee madaxwaynaha Nigeria?
- Aug 13, 2017
Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo sanadkan intiisa badan ku sugnaa London oo lagu ...
deg Deg Deg:-Mukhtaar Roobow oo gaaray Xudur & Al-shabaabkii…
- Aug 13, 2017
Mukhtaar Roobow Cali loona yaqaan Abuu Mansuur, ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray magaalada ...
ciidan Ciidanka xooga dalka oo la wareegay deegaankii lagu dagaalamay Abal ee Bokool
- Aug 12, 2017
Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal 24kii saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda ...
kenya Waa kuma Uhuru Kenyatta?
- Aug 12, 2017
Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Kenya, sida uu shaaciyay ...
kenyatta Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Kenya
- Aug 12, 2017
Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar ...