Xog Xasaasi ah:-Jawaari,Farmaajo iyo Kheyre oo isku khilaafsan Magacaabista Golaha Wasiiradda & Dam Jadiid oo…

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dib u dhac aan sababteeda la shaacin, ayaa waxaa ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo caawa la fillaayay in looga dhawaaqo Magaalada Muqdisho.

Xilli fiidnimadii caawa ay Madaxtooyada Somaliya soo gaareen dadkii loogu talla-galay in goobjoog ka ahaadaan magacaabista Golaha Wasiirada, ayaa si lama fillaan ahayd loogu sheegay in magacaabista dib loo dhigay.

Martida oo u badnayd Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa si is taabsi ah loo gaarsiiyay in dib loo dhigay magacaabista Golaha Wasiirada, illaa toddobaadka dambe.

Qorshuhu wuxuu ahaa in xaflad aan buurnayn looga dhawaaqo Golaha Wasiirada, balse uu qorshahaasi dhicisoobay, waxayna ka dambeysay markii kulan albaabada u laabnaa ay yeesheen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka carooday qaabka, ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu u soo xuleen Golaha Wasiirada, taasina ay dhabaha u xaartay kulankoodan.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in carrada Jawaari ay salka ku hayso, iyadoo Farmaajo iyo Khayre ay Wasaaradaha ugu muhiimsan la doonayan shakhsiyaad ku dhow dhow, oo maalmihii la soo dhaafay soo gaaraayay Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay intaa ku darayan in Jawaari uu ku doodayo dowladda in ay ku dhisan tahay nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, shakhsi kasta oo la magacaabayana loo baahan yahay in taageero uu ka haysto beeshiisa, isla-markaana aan la magacaabi karin wax aan u cuntamayn beelaha.

Dhanka kale Farmaajo iyo Khayre oo markii hore kalsooni iyo ballanqaadba u muujiyay xubno ka mid ah Golaha Shacabka, ayaa waxaa soo baxaya in ay ku ballan furayn, isla-markaana ay bedelkoodu ku soo bedeleen diblomaasiyiin.

Jawaari, ayaa waxaa la leeyahay wuxuu labada masuul u sheegay in aanay ku hungowbin xubno aan kalsoonida ka heli karin Baarlamaanka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...