Ku dhawaaqista Magacyada Golaha Wasiirada Soomaaliya oo dib u dhacday iyo sababta

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ku dhawaaqista Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in la shaaciyo fiidnimadii caawa ayaa dib u dhacday illaa iyo dabayaaqada todobaadka soo aadan , gaar ahaan mid ka mid ah Maalmaha ay taariikhdu ku beegan tahay March 21, 22 iyo 23 .

Golaha Wasiirada cusub oo tiradooda lagu sheegay (30 Wasiiro , 30 Wasiir kuxigeenno iyo 10 Wasiiru dowlayaal), taasi oo ka dhigan in liiska lagu arki doono Wasaarado cusub sida Dalxiiska, Deegaanka, Dib u heshiisiinta iyo kuwa kale ayaa sababi karta in loo waayo Wasaaradahaasi xarumo ay ku shaqeeyaan waa haddii aanay Xukuumaddu u howlgelin dib u dhiska iyo faarujinta xarumihii hore ee dowladda oo dad ay deegaansadeen.

Dib u dhaca shaacinta Golaha Wasiirada ayaa loo cuskinayaa culeysyo ka jira xulidda shakhsiyaadka Wasiirro ka kala noqon lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga oo ah seddexda Wasaaradood ee ugu saameynta badan dowladda marka la eego Wasaaradaha loogu yeero Darajo “A”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku loolamayaan shakhsiyaad hore Wasiirro u ahaa iyo diblomaasiyiin ayaa dad badan ay eegayaan qofka loo huwin doono.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ay ku loolamayaan Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadda sharciyaddeedu ay idlaatay  Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti”, Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadda sharciyaddeedu ay dhammaatay  Maxamed Xaaji Cabdinuur “Madeer”,  Safiir kuxigeenkii hore ee Soomaaliya ee dalka Algeria Dr. Xasan Maxamuud Cali iyo shakhsiyaad kale.

Si la mid ah Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiirro cusub oo dib u xoojiya hannaanka dib u qaabeynta Maaliyadda, la dagaalanka musuq maasuqa iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dad ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada la shaacin doono ka hor inta aanu Madaxweynaha u ambabixin dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaana March 21 u ambabixi doona Magaalada Nairobi, halkaasi oo la filayo in si heer qaran ah loogu soo dhoweeyo kadib casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu u fidiyay, waxa ayna labada Madaxweyne yeelan doonaan kulan heer sarreeya oo looga hadli doona danaha labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa March 25 uga qeybgali doona Kenya Shir madaxeed gaar ah oo Madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala firirsan Kenya (324,000) , Ethiopia (241, 000) , Yemen ( 255,000),  Uganda (39,500) iyo Djibouti ( 13, 000) .

Xigasho Jowhar


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...