War Deg Deg:-Mas’uul ka tirsan Dowladda Somalia oo Geeriyooday

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim, Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda oo bishan March 13, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Stanbul ee dalka Turkey, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.
Marxuum Ahmed Mohamud Ibrahim oo muddo 29 sano ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda, ayaa waxa uu si rasmi ah kaga mid noqday howlwadeennada Wasaaradda sanadkii 1988.
Axmed Maxamuud oo ahaa diblomaasi aragti dheer oo fikirro cusub curiya ayaa sanadkii 1986 ka qaatay Shaahadada “Bachelor degree” ee kuliyadda Xiriirka caalamiga ee Jaamacadda “Sidi Mohamed Ben Abdellah University” ee Magaalada Fes ee dalka Morocco, kahor Jaamacadda waxa uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee Sheikh Sufi ee Muqdisho, waxa uu sidoo kale ka mid ahaa dufcaddii ugu dambeysay ee ka qalin-jebisay Akadeemiyadda daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kahor bilooyin kooban inta aaney burburin Dowladdii Milatariga ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Sanadihii 2008 iyo 2010 waxa uu koorsooyin diblomaasiyadeed ku soo qaatay machadka daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Marxuum Axmed ayaa Waaxda Carabta ka noqday howlwadeen, kadib Madax qeybeed illaa uu ka gaaray darajada Agaasime kuxigeenka Waaxda.
Marxuum Axmed Maxamuud Ibraahim oo ku dhashay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1957, waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta lagu tiriyo tiirarka udub dhexaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda gaar ahaan waaxyaha siyaasadda iyo amniga.
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...