Sheeko Xiiso Leh:Jiir baajiyay duullimaad diyaaradeed

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Diyaarad u socotay Mareykanka ayaa duullimaad keeda la baajiyay ka dib markii gudaheeda lagu arkay jiir.

Diyaaradda ayaa ka kici lahayd garoonka diyaarada London ee Heathrow.

Rakaabka British Airways ayaa diyaaradda laga dejiyay ka dib markii arrinta lama filaanka ah ay dhacday.

Shaqaalihii ayaa rakaabka u sheegay inaysan diyaaradda kicikarin, duullimaad kalena la jadwaleeyay.

Afar saacadood ayey qaadatay in doolliga diyaaradda laga saaro, ka dibna ay duusho.

Mid ka mid ahaa rakaabka, Carly, waxay sheegtay inay aamini wayday in jiir uu baajiyo duullimaadka.

“Ma hubo in dadka ay ogaayeen sida dareenkoodu uu ahaa”, ayey tiri.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxay sheegtay in lagu wargeliyay in diyaarad kale ay raacayaan, balse saacado ay ku qaadatay inay helaan irid ay ka baxaan.

Qaar ka mid ah dadkii diyaaradaasi saarnaa ayaa baraha bulshada ku qoray sida ay uga falceliyeen jiirka diyaaradda ku dhex dhuuntay.

Mid ka mid ah rakaabka wuxuu yiri “Waxaan doonayaa in arrintan aan ka iibiyo aflaanta. Waxay u muuqataa in dadka ay ka baqayaan mas diyaaradda ku dhex jira”.

Maamulka diyaaradda British Airways wuxuu sheegay: “Waan ognahay in qofkaste oo diyaaradda saaran uu doonayo inuu u safro San Francisco, laakiin waxaa hadda jiro macaamiil yar oo aan dooneyno inaan dib uga celiyo albaabka”.

“Qofkastoo laba lug leh hadda wuxuu u socdaa California, waana ka xunnahay dib u dhaca”.

Maamulka garoonka caalamiga ah ee Heathrow ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdada.

Sanadkii 2015-kii duullimaad u socday Birmingham ayaa la baajiyay ka dib markii diyaaradda lagu dhex arkay jiir.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...