Tabobaraha Mo Farah oo eedo hor leh loo soo jeediyey

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Warbixin sir ah oo la helay ayaa tibaaxday in tabobaraha Maraykanka ah ee lalya xiddiga ciyaaraha Olombikada, Mo Farah, ay suurto gal tahay inuu jabiyey xeerarka mamnuucaya adeegsiga dawooyinka kordhiya adkaysiga jidhka aadanaha.

Alberto Salazar ayaa baadhitaan lagu hayey tan iyo intii barnaamijka BBC Panorama soo bandhigay eedo ah in ay jireen cadaymo muujinayey in xarun wuu ciyaartoyga ku tabobari jiray oo ku taal Maraykanka lagu isticmaali jiray dawooyinka noocaas ah.

Wargeyska Sunday Times oo gacanta ku dhigay qoraal si sir ah looga helay wakaaladda Maraykanka ee ka hortagga adeegsiga dawooyinka kordhiya adkaysiga jidhka ee la yidhaa USADA, kaas oo ku taariikhaysan Maarij 2016-kii ayaa tibaaxay eedahan cusub ee haatan soo baxay.

Salazar iyo ciyaartooyga Ingiriiska ah ee Mo Farah labaduba way beeniyeen in ay ku xad gudbeen xeerarka ka hortagga dawooyinka adkaysiga jidhka kordhiya.

Warbixintan wargeysku kelay waxa kale oo ay ku eedaysay Salazar oo mar ahaa madaxa tabobarayaasha mashruuca dunida ka caanka ah ee ay maal geliso shirkada qalabka ciyaaraha soo saarta ee Nike ee la yidhaa Nike Oregon Project (NOP), in uu Farah iyo ciyaartoy kaleba siiyey dawooyin sharcigu aanu xaaraantimaynayn balse saamayn xun ku yeelan kara caafimaadka ciyaartoyga hadii aanay jirin sabab caafimaad oo dhakhtarro xaqiijiyeen oo kallifaysa in qofku qaato dawooyinkaa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...