Deg Deg:-Maleeshiyaad gadoodsan oo la wareegay Barlamaanka Puntland

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Ciidamo aad utira badan ayaa la wareegay goordhow Xarunta Baarlamaanka Puntland.
Ciidamadan ayaa la sheegay iney ka gadoodsanyihiin mushaar la’aan mudo bilooyin heysta waxeyna sheegeen ineysan xarunta ka baxeynin inta laga siinayo Mushaaraadkooda.
Ciidamadan ayaa xiray wadooyinka soo gala Xarunta Baarlamaanka waxeyna diideen in gudaha loo galo dhismaha amaba laga soo boxo.

GoobJoogayaal ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Idaacadda Mustaqbal usheegay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland ay ku dhex xanibanyihiin Gudaha Xarunta.
Ciidamadan ayaa mararka qaar rasaas dhowr jiho ah uridayay waxeyna dadka farayaan iney dib uga laabtaan Xarunta.

Ciidamada gadoodsan ayaa sidoo kale gudaha ugalay dhismaha Wasaarada Maaliyada Maamulka Puntland oo iyaana ku taalo Magaalada Garoowe.

Masuuliyiinta ugu sareysa Puntland sida Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamanaka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka bari iyagoo ku mashquulsan isku shaandheynta lagu sameynayo Wasiirada Cusub ee Puntland.

Dhowr jeer oo hore Ciidanka Puntland oo Mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa sidan oo kale ula wareegay xarumo ku yaala Magaalooyinka Garoowe iyo gaalkacyo ee Puntland.

Xigasho MMC


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...