Wakiilka Rooney oo Shiinaha ku maqan isaga oo heshiis u raadinaya

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wakiilka Wayne Rooney, Paul Stretford ayaa ku sugan dalka Shiinaha si uu u soo fiiriyo bal in uu wada xaajood u soo samayn karo ciyaaaryahankan afka hore uga dheela Manchester United si uu dhankaas ugu wareego.

Ma jirto hubanti waxayna u badan tahay in uusan wax heshiis ah soo gaari doonin maadaama oo suuqa ciyaartoyda ee Shiinuhu uu xirmayo 28 bishan.

Laakiin xaqiiqada ah in Stretford uu u safray Shiinaha ayaa ah tilmaan cad oo muujinaysa in tabobare Jose Mourinho uu ogol yahay in Rooney oo 31 jir ah uu kooxda isaga tago.

Haddii uusan bishan taginna waxay u badan tahay in uu koox kale u wareegi doono xagaaga.

Kabtanka England ayaa sheegay in uu ogyahay in laga danaynayo horyaalka Shiinaha ee Super League laakiin lama oga kooxaha uu la hadlayo Stretford oo ah wakiilkiisa.

Kooxda Beijing Guoan, oo la rumaysan yahay in uu taageero madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa loo arkayay in ay ka midtahay kooxaha aadka u danaynayay saxiixashada Rooney, laakiin ilo u dhaw kooxda ayaa BBC Sport u sheegay in aysan danaynaynin sixiixashada ciyaaryahankan.

Sababta ayaa lagu sheegay qawaaniinta cusub ee xaddidaya ciyaaryahannada dalka Shiinaha dibaddiisa laga soo iibsado, Jiangsu Suning iyo Tianjin Quanjian ayaa u muuqda in ay yihiin labada kooxood ee midkood la wareegi doono ciyaaryahankan.

Arbacadii ayuu Mourinho sheegay in uusan ogayn in Rooney uu sii joogi doono garoonka Old Trafford todobaadyada soo socda.

Rooney ayaa hadda uun ku soo laabtay tababarka ka dib dhawaac soo gaaray.

Lama oga in arrintan soo korortay ay saamayn ku yeelan doonto fursaddii uu Rooney uga qayb qaadan lahaa ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka EFL oo ay Axadda la ciyaari doonaan kooxda Southampton.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...