Akhriso:-Maxaa horyaallo ra’iisul wasaaraha la magacaabay?

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo shalay la caleemo saaray, ayaa maanta magacaabay ra’iisul wasaare cusub.

Ra’iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, waxaa laga sugayaa inuu hortago labada aqalak ee baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed waafaqsan midka madaxweyne Farmaajo.

“Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu taageero ka helo shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho”, sida uu sheegayo Cabduqadir Xaaji Maxamud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre u xushay ra'iisul wasaare

“Jagada ra’iisul wasaaraha waa mid muhiim ah oo ugu sareysa golaha fulinta ee dowladda. Wuxuu qabanayaa inta badan howlaha dowladda horyaalla”, ayuu sheegay Dhaqane.

Ra’iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, haddii uu helo taageerada baarlamaanka, wuxuu billaabi doonaa inuu soo dhiso golaha wasiirada.

Golahaasi waxay ku saleysnaandoonaa awood qeybsiga 4-5 ee ah sida beelaha Soomaaliya ay awoodda siyaasadda ku qeybsadaan.

“Waxaa laga sugayaa dowlad farsamo yaqaan ah oo howl qaban karta. Waxaa fiican in xukuumadda bannaanka laga keeno”, ayuu yiri Dhaqane, oo siyaasadda ka faallooda.

Xukuumadda la soo dhisidoono waxay wajeheysaa caqabado dhanka amniga ah. Dhaqane wuxuu sheegayaa in golaha wasiirtada ee la soo dhisidoono ay wanaagsan tahay inay si wadajir ah u wajahaan dhibaatooyiinka dhanka amniga.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...