Xog:-Madaxweyne Farmaajo oo amray in safaaradaha shisheeye ka guuraan deegaanka madaxtooyada Soomaaliya

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xog ku saabsan safaaradaha shisheeye ee ku dhow deegaanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa in uu soo baxay amar faraya Safaaradaha Shisheeye ee ku dhexyaala Deegaanka Madaxtooyadu in ay mudo kooban gudeheed uga guuraan Xeyndaabka Villa Somalia.

Amarkan ayaa la sheegay inuu kayimid Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayaya sidii uu u kasban lahaa quluubta Shacabka Soomalaiyeed uma soo celin lahaa dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa jiray kulamo madaxweynaha uu la yeeshay qaar kamid ah Masuuliyiinta safaaradohooda ay ku dhexyaalaan gudaha Safaarada isagoo kala hadlay sida dowladdiisa cusub udaneyneyso in laga guuro xeyndaabka madaxtooyada looga arimiyo dalka.

Masuuliyiinta labada safaaradood ee ku yaala deegaanka Madaxtooyada ayaa aqbalay dalabka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Sideedii bishan loo doortay xilka Madaxweyne.

Jabuuti ayaa noqotay safaarada ugu horeyso ee fulineysa dalabka Madaxweynaha waxeyna isaga guureysaa dhismaha ay ka daganeyd Madaxtooyada Soomalaiya iyadoo deegaansaneysa Xeebta Liido.

Madaxweynayaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo berri muqdisho u imanaya Xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadaas kadib udhaqaaqaya iney dhagax dhigaan dhismaha cusub ee dageyso Safaarada Jabuuti ee ku leedahay Muqdisho.

Waxaa intaasi kadib Madaxtooyo baaqi kusii ahaan doono Safaarada Itoobiya ee Soomaaliya ee kutaala deegaanka Madaxtooyada Villa Somaliya, lama oga sida itoobiya ay ku ogolaan doonto iney agabkeeda ka xirxirato Aqalka looga arimiyo Dalka.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomalaiyeed ayaa horay usoo jeediyay talada ah in Safaaradaha shisheeye laga raro Madaxtooyada si gaar ah waxey farta ugu godeen Itoobiya oo siyaasad ahaan aysan isjecleyn Shacabka Soomalaiyeed.

Dowladdaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa iyaguna Safaaradohooda waxa ay ku yaalaan Meel aan isdaasi uga fogeyn degmooyinka ku hareereysan Madaxtooyada Soomalaiya, halka kuwa reer Galbeedkana ay ku dhexyaalaan gudaha Xerada ugu weyn Ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Dalka ee garoonka Aadan Cadde.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...