Siyaasiinta xil doonka ah “Ar Fahad Yaasiin ii geeya”

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Siyaasi kasta markii uu doonayo inuu qabto xil waxaa lagama maarmaan ah inuu helo koox kala shaqaysa sidii uu ku hanan lahaa xilka uu raadin, kooxdaas waxay ahaan karaan Xisbi siyaasadeed, Urur diimeed, Ganacsato, Siyaasiyiin magac leh ama Ururo Bulsho, kooxdaas waxay noqotaa kuwo kala shaqeeya ku nagaashaha kursiga ama kooxo wadata danooyin iyo ajandayaal gooni ah.

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo kadib waxaa siyaasiyiinta xil doonka ah oo ay ugu horeeyaan kuwa raadinaya Ra’iisul Wasaaraha ay noqotay hadal hayntooda ugu badan “Ar Fahad ha la iigeeyo” waxaa maqlaysaa yaa haya telka Fahad, Waxaa isoo wacay Fahad, Waxaa CV u geeyey Fahad, Waxaa Saxiib nahay Fahad, Waxaa balan qaad ii sameeyey Fahad, Wuu isoo wacay oo waan is weynay, Nairobi ayuu aaday ee yaa haya telkiisa cusub, kii hore waa uu iska badalaye.

Filimkaan waxaan soo daawanay 4 sano ka hor, markii sidaan oo kale Xasan Sheikh Maxamud uu noqday madaxweynaha, waxaa hadal hayntii siyaasiyintu noqotay “Ar Faarax ha la iigeeyo” oo markaas ahaa ninka geed fadhiga u ah guushii madaxweyne Xasan, xaqiiqdiina wuxuu Faarax abuurtay cadaawad badan, madaama uu noqday nin awooda inuu xilalka dadka u kala badalo una magacaabo, wuxuu xiliyada qaar ka awood badnaa madaxdii soo maratay dalka.

Faarax cadaawadii loo qabay waxay gaartay heer Amiin Aamir uu maalin iyo habeen kusoo qaato Cartoonkiisa isagoo loo xiray garabaati calanka Ethiopia ah, waxaana uu noqoday nin yeeshay saxiibo yar iyo cadow faro badan.

Hada cabsidaan qabo ayaa ah in Fahad Yaasin loo xiro garabaati calanka Qadar ku sawiran yahay, waxaanse ku talinaa in Fahad Yaasiin uu maanta ku cibra qaato waxa soo qabsaday Inadeerkiis/Saxiibkiis Faarax Cabdulqadir 4 sano ee la soo dhaafay, oo uu ka fogaado inuu galangal badan ku yeesho go’aan qaadashada madaxweynaha madaama uu dadaal badan la soo galay sidii u noqon lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta aan Fahad Yaasiin ka aqaano 23; sano ee la soo dhaafay waa nin aad u dagan jecelna in dalkaan horumar gaaro, xertii hore oo uu madaxweynanimada kala shaqeeyeyna waxay isku maan dhaafeen qaabka wax loo maamulayo, iyo cida talada loo dhiibayo, waxaana ka rajaynaa inuu noqdo nin oday ah oo siyaasada qaybteeda wanaagsan kala shaqeeya madaxweyne Farmaajo .

W/D: Diraac Salaad Fagaase

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Raysal Wasaaraha ahana Lataliyaha Wasiirka Maaliyada ee dhanka Saxaafada


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...