Sida Burnley ay u muujisay meesha difaaca Chelsea uu ka dabacsan yahay

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Kooxo badan maysan tijaabin dabacsanaanta seddaxda difaaca ah ee Chelsea, xilli ciyaareedkan.

Balse kooxda Burnley ayaa tijaabo ku sameysay sida shaxda tababare Antonio Conte looga dhex baxo.

Burnley ayaa ku wanaagsaneyd ciyaartii shalay ee 1-1 ka ku dhammaatay.

Waxay aad u bartilmaameedsadeen dhanka bidix ee kooxda Chelsea, halkaas oo difaac ahaan aad u nugul marka loo eego dhanka midigta.

Eden Hazard wuxuu aalaaba dhex wareegaa dhexda dhanka bidix, si ka duwan Pedro uu dhanka midig u joogo, taas oo ah waxa ay Burnley fahantay ayna kaga faa’ideysatay inay Chelsea ku qalqal geliso.

Shaxda ciyaareed ee kooxda Chelsea ee 3-4-3 ah, taas oo aalaaba ay ku dheelayeen xilli ciyaareedkan.

Iskudeyga Burnley wuxuu sababay in difaaca dhanka midig, Marcus Alonso uu bidixda u soo dhowaado si uu qulqulka kooxdaasi u hor istaago.

Balse, maadaama Hazard uu dhankaasi bidixda ka ciyaarayay Alonso mararka qaar way ku adkaaneysay inuu ka hortago orodka ciyaartoyda Burnley.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mararka qaarna wuxuu dhankaasi ku noqonayay keligii, waana meesha laga jabsaday The Blues.

Alonso sidoo kale uma xoog badna sida Victor Moses, marka ay timaado caawinta weerarka iyo dhexda.

“Waan eegay waxaana fahmay inuu Alonso ku wanaagsan yahay dhanka midigta”, ayuu yiri Ruud Gullit.

“Waa meel dabacsan oo laga weerari karo, waa haddii kooxaha kale ay ogaadaan arrintaasi, ayna kubadda ka helaan Alonso gadaashiisa”.

“Laakiin waxay u baahan tahay degdeg iyo dhowr ciyaartoy oo isku xiran”.

Burnley waxay ku ciyaareysay shaxda ah 4-4-2, taas oo aalaaba ay uga hortagto kooxaha waaweyn ee Premier League-gga.

Burnley waxay arrintaas ku maareysay ciyaaridda kubad dhaadheer oo loo tuurayay Andre Gray taas oo sababtay in Gary Cahil iyo David Luis ay meel furan ku soo baxdo, ayna ka gudbaan meeshii ay ka ciyaari jireen.

Hadaba, Burnley farsamadoodii Axaddii way guuleysatay, waxayna hoos u dhigeen Chelsea. Sidoo kale dhaqan ahaan way u dejiyeen kubadda kooxda The Blues.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...