Nin Shiinaha u dhashay oo 50 sano Hindiya ku xayirnaa oo hadda la fasaxay

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Nin u dhashay dalka shiinaha oo Hindiya ku xayirnaa in ka badan 50 sano ayaa qoyskiisa dib ula kulmay.

Wang Qi wuxuu ahaa askeri dagaal ku jiray oo si qalad ah uga tallaabay xuduudda, sanadkii 1963-dii, wuxuuna mudadaasi sugayay inuu helo warqado u saamaxi kara inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Waxaa jiray diblumaasiyiin Shiinaha u dhashay oo xilliyo kala duwan la kulmay, waxayna u sheegayeen mudadaas in dadaal dib loogu celinayo uu socdo.

Mr Wang waxaa garoonka Beijing ku soo dhoweeyay xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ka dib wuxuu u safray magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Xianyang, Waxaanasoo dhoweeyay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay “Ku soo dhowoow dalkaaga, askeri, waxaad soo martay safar dhib badan”.

Wang Qi wuxuu caasimadda Hindiya ka duulay Jimcihii, waxaana wehliyay qaar ka mid ah caruurtiisa.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Muddadii uu go’doonsanaa wuxuu guursaday xaas Hindi ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa siisay baasabooro qoyskiisa, waxaana loo sheegay inay la safrikaraan Mr Wang haddii ay doonayaan.

Xaaskiisa oo xanuunsan ayaa awoodi waysay inay safarka ku wehliso, balse caruurtiisa waaweyn ayaa horey u sii raacay.

Ma cadda in Mr Wang uu qorsheynayo inuu dib ugu noqdo Hindiya. Looma ogolaan inuu qaato baasaboorka Hindiya muddadii uu dalkaasi ku noolaa, balse wuxuu helay baasaboorka Shiinaha sanadkii 2013-kii.

Wang Qi wuxuu sheegay “in shaqadiisa ay ahayd inuu qadad u bixiyo ciidamada Shiinaha” lana qabsaday xilli uu “si qaldan ugu gudbay” dhanka Hindiya, bishii Janaayo ee sanadkii 1963-dii.

“Waxaa xerada uga baxan sahan, ka dib wadadii ayaan ka lumay. Waan daalay, waana gaajooday. Waxaan arkay gaari ay leedahay hay’adda Laanqeyrta Cas, waxaana weydiistay inay i caawiyaan. Waxay igu wareejiyeen ciidamada Hindiya”, ayuu yiri.

Wuxuu todobo sano ku xirnaa xabsiyo kala duwan, maxkamad ayaana siidaysay sanadkii 1969-kii.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...