Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta La Dooranyo(Akhriso Shuruudda)

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxaa maanta kulan wadajir ah xarunta baarlamaanka federaalka ah ku yeelan doona labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, golaha shacabka iyo aqalka sare, si loo doorto guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulahi oo la Hadley Goobjoog News ayaa sheegey in maanta uu dhacayo kulan wadajir oo labada aqal ah, si loo doorto guddi ka kooban labada aqal kaas oo maamuli doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi waxaa uu sidoo kale Goobjoog News u xaqiijiyay kulan ay shalay oo isniin aheyd yeesheen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, isagoo intaa raaciyay in laga wada hadley doorashada madaxweynaha iyo dhismaha guddiga iyo xitaa sidii ay labada dhinac u dhexmari laheyd wada shaqeyn joogta ah.

Xogheynta Golaha Shacabka ayaa horey u soo saarey shuruudaha guddiga, waxaa uu u qornaa sidan:

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda:

Waxaa la dhisayaa guddi isku dhaf ah oo ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo 5 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare.

Guddoomiye kasta isagoo la tashanaya ku-xigeennadiisa ayaa magacaabaya xubnaha guddiga uga qeyb-galaya.

Guddiga isku dhafka doorashada madaxweynaha waxaa uu u qeyb-samaa labo guddi hoosaad:

Guddiga hoosaadka nidaaminta iyo diwaangelinta murashaxiinta waxaa uu mas’uul ka yahay:

Nidaaminta murashaxiinta, ilaalinta ku dhaqanka xeer hoosaadka, diiwaangelinta iyo hubinta waraaqaha murashaxiinta, hubinta soo jeedinta magacaabista iyo taageerayaasha murashaxiinta, Maareyta iyo Ha Maamuuska, iskugu yeerid munaasabadaha iyo Dhageysiga iyo xallinta cabashooyinka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Guddi hoosaadka howl-gelinta guud iyo Maaliyadda shaqadiisu waa:

Sugidda amniga, Loogistikada, Diiwaangelinta martida, faraqaadka-(Bio-Metrics), iibsiga alaabta iyo maamulidda maaliyadda iyo dhaqaalaha xisaabta bangiga.

Si waafaqsan qodobka 111G(b) ee dastuurka, guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa si goobjoognimo ah ula shaqeynaya guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka si ay u hubiyaan habsami u socodka habraaca doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah.

Guddiga isku dhafka waxaa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo ka kala socda labada aqal.

Guddigan isku dhafka ah iyo guddi hoodaasyadiisa waxaa ay dejinayaan xeer-nidaamiye ay xilgudashadiisa iyo howlahooda ku fuliyaan.

Guntanka guddiga waxaa uu ku ansaxayaa kalabarka tirada guud ee xubnaha guddiga oo haldheeri ah.

Guddi-hoosaadyada waxaa ay warbixintooda iyo talooyinkoo siinayaan fadhiga guud ee guddiga.

Xilheynta guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha waxaa ay ku egtahay markii ay dhamaato doorashada madaxweynaha JFS.

Wararka ku saabsan guddiga doorashada madaxweynaha kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

al shababb Al-shababkii ugu badnaa oo ka gudbay Xadka Somalia & Kenya
- Oct 14, 2017
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ...
farmaajo Farmaajo oo cambaareeyay Weerarkii Las Vegas
- Oct 3, 2017
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu ...
_97984027_15b91fcf-84a2-4684-bff7-f94f1f9fde04 R/W Kheyre oo ka hadlay lacago badan oo ay ka heleen Sacuudiga
- Oct 3, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey ...
somaliland Somaliland oo walaac ka muujisay saldhiga Turkiga ee Muqdisho
- Oct 3, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Saxafadda Gudaha Somaliland ayaa ...
farmaajo1-620x330 Madaxweyne Farmaajo maanta u safraya Sudan
- Oct 3, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ...
qaxoo WFP oo soo saaray war ay ka naxeen Qaxootiga Soomaalida Kenya
- Oct 3, 2017
Barnaamijka Cunadda Aduunka ee QM ayaa isniintii ku dhawaaqay in la dhimi  doono Qoontada ...
japan Weerar ka dhacay gobolka Kashmir
- Oct 3, 2017
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ...
xabsi Somali Canadian oo lagu xiray Canada
- Oct 2, 2017
Booliiska dalka Canada ayaa Xiray Nin Soomaali ah kaasi oo Gaari iyo Tooreey ku ...
ciidan Howlgalka Xaslinta oo wali laga sameenayo Banaadir
- Oct 2, 2017
Ciidmada dowladda Soomaliaya ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qaqabtay waxa ay ka sameeyeen ...
wareguul Qorshaha cusub ee Wasiradda Hirshabelle
- Oct 2, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wareysi gaar ...