Xog xasaasi ah:-Labada Shariif oo isbaheysi sameynaya & Heshiisyo la gaaray sidii Xasan Sheekh…

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada dhinac, ayaa waxay kulankoodan uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii ay isku aragti uga noqon lahaayen is bedel ku yimaada Xafiiska Madaxtooyada (2017).

Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed weydiistay in uu kala shaqeeyo, sidii uu ku heli lahaa taageerada 77 Xildhibaan, oo Koonfur Galbeed ku metelaya Labada Aqal. (69 Aqalka Hoose iyo 8 Aqalka Sare) ah.

Ilo wareedyo, ayaa inoo Sheegay Shariif Sheekh Axmed in uu ballanqaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan, uu u celin doono dhaqaalihii kaga baxay intii uu waday ololihiisii doorashada madaxtinimada dalka. Sidoo kale waxaa uu Shariif Sheekh Axmed uu saaxiibkiisii hore u ballanqaaday jegooyin muhiim ah, oo uu ka siin doono dowladiisa, waa haddii uu ku soo baxo’e doorashada.

Labada Shariif, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isaga soo dhawaadeen labadii daraf, ee ay horey u kala jooggeen, iyagoona isla meel dhigay in siyaasad mideysan ku wajahan xerta Xasan Sheekh Maxamuud.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa loo arkaa shakhsi galaangal xoogan ku leh Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoo Baydhabo lagu soo doortay 69 Xildhibaan oo Koonfur Galbeed ku metelaya Aqalka Hoose.

Shariif Xasan, ayaa 12-kii bishan laf dhaan-gashay ku noqday Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo isu soo sharaxay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii uu ka carooday in Jawaari isu soo sharaxo Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Jawaari waxaa 11-kii bishan loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

In Jawaari uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa burburisay rajadii Shariif Xasan uu ka qabay in uu noqdo Madaxweynaha Somaliya, maadaama ay isu deegaan ka soo jeedaan.

Shariif Xasan, ayaa waxaa hadda u taala hawl ah in Xildhibaanada Koonfur Galbeed uu ka dhaadhiciyo, in ay taageeraan murashax Shariif Sheekh Axmed.

 

Xigasho:-Radio Mustaqbal


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...