Xog la helay:-Muxuu Shariif Xasan ula Caashaqay Beesha Daarood Gudoomiyaha Baarlamanka uu isagu nacay?

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu dabada ka Riixayaa oo uu ka dambeeyaa inuu u tartamo xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka JFS Xildhibaan C/shiid Maxamed Xidig oo kasoo jeeda Beesha Daarood

Maaha markii u horaysay oo uu Shariif Xasan taageero Siyaasi kasoo jeeda Beesha Daarood inuu isku soo taago xilka Gudoomiya Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay Beesha Shariif Xasan ee Digil iyo Mirifle haysay laga soo bilaabo ilaa 1960kii.

Sanadkii 2012kii ayuu Shariif Xasan waxa uu taageeray sadex musharax oo kasoo jeeda Beesha Daarood kuwaasoo kala ah Cali Khaliif Galayr, Xasan Abshir iyo Xidig isagoo si gaar ah u watay Galayr inuu xilkaas uu isagu nacay uu qabto.

Guuldaro xun ayaa ka raacday Doorashadii 2012kii kooxdii uusoo abaabulay Shariif Xasan oo ku doodayey inuusan kursigani u qalmin beeshiisa Digil iyo Mirifle laakiin uu u qalmo Beesha Daarood waa sida uu isagu hadalka u dhigaye.

Hadaba maxay tahay sababta uu Shariif Xasan u taageeri waayey Musharax kasoo jeeda Beesha Hawiye inuu isku soo taago xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya?

Ugu horayn xilka Gudoomiuya Baarlamaanka waa xil muhiim ah ayna tahay inuu qabto qof kasta oo Soomaali ah oo kasoo bixi kara xilkaas, laakiin ujeedka Qoraalkani waa Shariif Xasan iyo dagaalka uu kula jiro Beesha Daarood.

Danaha Shariif Xasan ee Beesha Hawiye

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shariif Xasan waxa uu ka leeyahay Beesha Hawiye Dano dhaqaale iyo mid Xididtinimo, isagoo mar kasta ka leexleexda wixii ka hor imaanaya danaha uu ka leeyahay Beesha Hawiye.

1-Ganacsi fara badan ayuu Shariif Xasan ku leeyahay Magaalada Muqdisho isagoo si gaar ah Shirko ula ah Ganacsato kasoo jeeda Beesha Hawiye, iyadoo la oran karo dhaqaalaha Shariif Xasan waxaa gacanta ku haysa Beesha Hawiye.

2-Xaaska wayn ee Shariif Xasan waa Beesha Hawiye gaar ahaan Murursade, wuxuuna Shariif Xasan la leeyahay Beesha Murursade Gaaashaanbuur isagoo Taageero uu ka helay Hogaamiye Kooxeedkii Qanyare ku noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKMG ahayn 2004tii.

Shariif Xasan & dagaalka uu kula jiro Beesha Daarood

Shariif Xasan wuxuu u qabaa Beesha Daarood cadaawad aad u wayn, isagoo si aan gabasho lahayn ugu muujiya taas.

Markii uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKMG ahayn 2004tii ee uu madaxweynaha ka ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu Shariif Xasan ku biiray Koox Dagaal Oogayaal ah oo Xildhibaano ahaa waxa uuna kala qaybiyey Baarlamanka, isagoo qayb ay Hogaaminayaan Dagaal Oogayaal la aaday Muqdisho halka madaxweyne C/laahi, RW Geedi iyo Xildhibaano badan ay Jowhar dageen.

Kadib markii la heshiiyey labadii garab ee Baarlamaanka oo Baydhabo loo guuray waxa uu Shariif Xasan isku dayey inuu dilo madaxweyne C/laahi Yuusuf isagoo ka dambeeyey Qarax lala eegtay.

Kadib waxa uu ku biiray “isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya” ee Asmara fadhigiisu ahaa, isagoo ka falaagoobay dawladii uu ka midka ahaa madaxdeeda, maadaama uu ogaaday in la ogaaday inuu ku lug lahaa isku daygii dilka madaxweyne C/laahi Yuusuf.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...