Top News:-Musharixiinta Madaxtinimo Somalia oo warqad u diray Golaha amaanka

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Qaar kamid ah musharixiinta xilka madaxtinimo Soomaaliya ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay golaha amaanka QM kaa oo ay ku muujinayaan arimaha hadda socda gaar ahaan go’aamada tirada badan ee Madasha Qaran.

Madasha Qaran ayaa sheegtay in xubno dheraad ah ay ugu dareen maamul goboleedyada xubnaha aqalka sare ay ku leeyihiin.

Waakan hoos ka aqriso sidoo kale Bayaankii Beesha caalamka

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa sheegay in dhaarinta maanta ee xildhibaanada cusub ay tahay tallaabo hore loo qaaday. Hase yeeshee, waxa ay sheegeen inay doonayaan in hanaanka doorashada Soomaaliya uu ku socdo in Aqalka Sare uu 54 kursi, sida ku qeexan dastuurka dalka.

Beesha caalamka waxa ay ku baaqday in kuraas kasta oo dheeri ah oo lagu kordhinayo Aqalka Sare ay dhacdo kadib, marka la doorto madaxweynaha cusub, islamarkaana uu go’aankaas gaaro baarlamanka cusub isaga oo u maraya hab dastuuri ah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay go’aankii Madasha kasoo baxay 26-kii bishan ee lagu sheegay in lagu laabanayo doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose, hase yeeshee waxay sheegeen in Madasha ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato tiro kale oo kuraas ah oo ka dhashay xadgudub lagu sameeyey hanaanka doorashada, ayna ku jiraan kuraas loogu talo-galay haweenka balse ay kusoo baxeen rag.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay in haddii musharaxiintan loo ogolaado inay ka mid noqdaan baarlamanka cusub ay taasi su’aal gelin doonto ballanqaadkii hogaanka Madasha Qaran ee ahaa hanaan doroasho oo ku dhisan sugnaansho iyo isla xisaabtan.

Saaxiibada beesha caalamku waxay sheegeen inay si xooggan u rumeysanyihiin inay lagama maarmaan tahay in mar kale lagu celiyo doorashada kuraasta ay natiijada codayntooda si cad loo weeciyay iyadoo la adeegsanayo gacan ka-hadal, musuqmaasuq, cagajuglayn, gudbin ergo doorasho oo aan sharci ahayn iyo in lagu fashilmay in saddexdii kursiba mid si gaar ah loogu asteeyo musharaxiinta haweenka ah oo keliya.

Saaxiibada beesha caalamku waxay baarlamaanka federaalka ugu baaqeen inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u soo saaro jadwal lagu dhamaystirayo geedi-socodka si loo doorto Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada baarlamaanka federaalka ee cusub, iyo Madaxweynaha Federaalka.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...