Faahin Faahin:-J/Hoose: Dagaal Dhexmaray Al-Shabab iyo Shacab

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dagaallo ayaa iyo shalay ka dhacay deegaanno dhinaca Galbeed iyo Waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaana dagaalladan ay u dhexeeyaan maleeshiyada Al-Shabab iyo qabaa’ilaad sida ay goobjoogayaal ay noo sheegeen.

Wararka aanu ka helany deegaanka Kanjiroon ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan bixinta Zakada ay Al-Shabab ka qaadaan xoolaha. Dadka deegaanka ayaa wararku sheegayaan inay ka horyimaadeen inay bixyaan xoolo badan oo ay weydiisteen maleeshiyada Al-Shabab.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa VOA u sheegay in Al-Shabab ay ilaa geel dhan 1000 neef ka kaxaysteen deegaannada Yaaq Biraale, Booray iyo deegaanka Kanjiroon.

Waraarka ay heshay idaacadda VOA waxay sheegayaan in maleeshiyada qabaa’ilka ay is-abaabuleen islamarkaana ay dagaal kala hortageen kuwa Al-Shabab. Ugu yaraan saddex qof oo dadka deegaanka ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalladan.

Bishii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar ku qaadeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Galguduud ee badhtamaha Soomaaliya ayna geel ka kaxaysteen kadib markii muran ka dhashay zakada Al-Shabab ay soo rogtay.

Ugu yaraan 10 dadka degaanka ah iyo 7 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa ku dhintay dagaalladaas. Maleeshiyaadka Al-Shabab ayaa isgaadhsiinta ka gooyey in muddo ah deegaanka Dumaaye, waxaana la sheegay in geel ka badan boqollaal neef ay kasoo xaraysteen dadka degaanka isla markaana ay gubeen ilaa saddex tuulo oo hoos timaada Dumaaye.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...