Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ka Cabatay Ergo ay sheegeen inaysan ahayn Kuwoodii

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Iyadoo dhawaanahan ay soo baxayeen Cabashooyin ku aaddan doorashooyinka ka socota Xarumaha maamul-goboleedyada Dalka, ayaa waxaa mid ka mid ah beelaha Galmudug waxay cabasho ka muujiyeen ergooyinka soo dooranaya xildhibaannadooda, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan ahayn kuwii ay horay u gudbiyeen.

Nabaddoon, Maxamuud Axmed Aadan oo Degmada Cadaado ayaa wuxuu u sheegay War-baahinta in Maamul-goboleedka Galmudug uu wax ka og-yahay Culeys la saaray jufo ka mid ah beesha Sacad oo uu sheegay, in loo diiday in loo Diiwaan-galiyo ergooyinkii ugu talagaleen inay doorashada Aqalka hoose uga qayb-galaan.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddiga Doorashada uu ergadii doorashadan uga qayb-geli lahayd jugada loo gudbiyay, balse nasiib-daro in la xareeyay ergooyin kale oo aan ahayn kuwii ay magacyadooda gudbiyeen, isagoo ku eedeeyay guddiga doorashada inay qabteen ergo aan ahayn kuwii ay u saareen inay doorashada uga qayb-galaan.

“Magacyada ergadii aanu soo Xulannay waa la diiday, waxaana kaararkii wax lagu dooran lahaa loo qaybiyay ergada kale oo aanan aqoon, iyagaana la Sawiray,” ayuu yiri nabaddoon Maxamuud Axmed oo warbaahinta kula hadlayay Cadaado.

Wuxuu kaloo nabaddoonku saxaafadda u akhriyay War-saxaafadeed ay soo saareen, isagoo sheegay in Madaxweynaha Galmudug ay Cabashadoodaan u gudbiyeen, uuna u sheegay in uu wax ka qaban doono, laakiin hawshii aysan waxba iska badalin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay soo fara-geliyaan cabashadeena, waxaana caddeynayaa inaan ma’suul ka aheyn natiijadii kasoo baxa Doorashada Aqalka Hoose ee Beeshiisa haddii arrintu ay Siddaan kusii socoto,” ayuu hadalkiisa ku daray nabadoon Maxamuud.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa 17 bishaan wuxuu soo saaray warqad uu ku amrayo in dib loo dhigo Kursiga Beeshan, inta uu kusoo laabanayo Cadaado, isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii, Kursiga muranku ka taagan yahay ayaa waxaa ku Tartamaya Xildhibaan Hore, Axmed Ducaale Geele [Xaaf] iyo Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhaban-cad.

Halka ay odayaasha ku edeyeen Axmed Macalin Fiqi inuu ergo aan sax ahayn uu goobta la yimid.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...
deg Deg Deg:-Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo badalaya Abuubakar Al-Bagdaadi (DHAGEYSO -WARBIXIN)
- Jul 17, 2017
Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya Shekh Cabduqaadir Mumin uu ...
amisom AMISOM oo beenisay in Haweyney ku dileen duleedka Muqdisho
- Jul 17, 2017
Howgalha Midowga Africa ee Somalia AMISOM ayaa Beeniyay in Kolonyo ka Tirsan ay Haweneey ...