Doorashadii Kismaayo oo dib loo dhigey kadib isku dayo ku shubasho ah

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Waxaa markale dib loo dhigey doorashadii dhawr kursi oo ka haray kuraastii laga soo dooranayay Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana shalay dhacay in Guddiga Doorashada dadban ee SIET ay ku dhawaaqaan in dib loo dhigey labo kursi oo la dooran.

Arrintani ayaa timid kadib markii ciidamada amniga goobta doorashada ka dhacayso ay is hortaageen isku day Guddoomiyaha Guddiga uu kusoo xareyn lahaa ergo aanan ahayn kuwii uu gudbiyey Nabadoonka Beesha Gaaljecel Imaam Macalin.

Xaalada ayaa cirka isku shareertey markii la gaaray xiligii ergada lasoo xareyn lahaa, waxaana dhacday in xubin ka tirsan guddiga doorashada uu yeeriyey magacyada illaa 8 qof oo aanan ergada ka mid ahayn, taasi oo uu ka horyimid odayga beesha, islamarkaasina ay ciidamada ku raaceen in la raacayo go’aanka odayga.

Xubintii guddiga ayaa dib u laabtay, wuxuuna usoo yeerey Guddoomiyaha Guddiga Cabdi Cali Raage oo isku dayay in uu xoog ku maquuniyo arintaa, balse ergada dhagaha ayay ka fureysteen, waxayna si cad ugu sheegeen in kaliya ay gudaha galayaan ergada saxda ah ee uu ogolyahay odayga beesha Gaaljecel.

Cabdi Cali Raage waxaa la rumeysanyahay in uu garab siinayay mid ka mid ah musharixiinta oo ah Xildhibaan Shaacir, ergada uu meesha ka saarayna waa ergada Wasiirka Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar.

Inkasta oo ay jireen ficilo badan oo shubasho ah, hadana waxa shalay dhacay waxa ay ahaayeen falkii ugu weynaa ee ku shubasho oo uu isu soo mutaxay guddoomiyaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARAR KALE

bakaaro Xasaasi:-Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaab?
- Jul 25, 2017
Mid ka mid ah qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Federaalka ee Magaalada Kismaayo ...
qarax Faah Faahin:-Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Afgaanistan
- Jul 25, 2017
Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib ...
deg DEG DEG:-Dowladda Somalia oo beenisay in R/W Kheyre uu Diplomaasiyiin kula kulmay Hargeysa
- Jul 24, 2017
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa'idka Indian Ocean Newsletter, ...
al shabab Ganacsatada Soomaaliyeed oo looga digay inay Garsoor u raadsadaan Al shabaab
- Jul 23, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro cusub. 1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ...
morata Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata
- Jul 20, 2017
Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala ...
al shabab Al-shabab oo soo cusboonaysiiyay Dagaalkooda ka dhanka ah Abu Mansur
- Jul 20, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib u soo ...
duq Faah Faahin:-Duqeyn ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Jubada Hoose
- Jul 18, 2017
Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah uu ...
iraq Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul
- Jul 18, 2017
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ...
deg Deg Deg:-Xildhibaanada Puntland oo mooshin ka keenaya Xukuumada Cabdiweli Gaas
- Jul 18, 2017
Xildhibanada baralamanka maamulka puntlanad ayaa maanta yelan doono kulaa xasaasi ah oo ay uga ...
CIIDAN Askari Soomaali ah oo dil ka gaystay Dalka Mareykanka
- Jul 18, 2017
Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii ...